Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Meere waa dhul ama duni ka sameysan dhagaxaan, caro iyo hawo oo ku wareegta xidig ama qorax. Labada meere ee neef leh waa Dhul, iyo K2-18b. Sida Cilmi Fallagu sheego waxa jira in ka badan balaayiin meereyaal Koonkan eeynu ku noolnahay. Meerayaasha waxaa guud ahaan loo qeeyniyaa labo: mid xajmi wayn oo cufkiisu yar yahay kana samaysan hawooyin iyo mid xajmi yar oo cufkiisu wayn yahay kana samaysan oogo dhagaxaan ah. Iyadoo la tix raacayo qeexida hay'ada Cilmi Fallaga ee dunida IAU (Midowga Cilmiga Xidigaha), waxa si rasmi ah loo aqoonsan yahay ineey jiraan 8 meere Bahda Midaysay Qoraxdu ama (Solar System) Sideedaas Meere waxay kala yihiin Dusaa (Mercury) oo Qorraxda ugu dhow, Waxaraxir (Venus), Dhulka iyo meeraha Farraare (Mars). (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...

- ... in Masego (Sawirka) uu yahay geed leh midho yaryar oo firiley ah?
- ... in masegadu ay ka tirsan tahay qoyska cowska?
- ... in midhaha iyo laamaha masegadu ay cunaan dadka, xoolaha iyo xayawaanka kale?
- ... in masegadu ay ka mid tahay dalagyada firileyda ee laga beero meelo badan oo dunida ah?
- ... in miraha masegadu loo isticmaalo cunto ahaan iyo quud ahaan xoolaha?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya (21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991); kaligii-teliye ciidanka xooga sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbaharey, bishiii Oktoobar 6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir. Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka. Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan. Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. Bishii Janaayo 26keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay. Madaxweyne Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nayjeeriya bishii Oktoobar 26keedii sanadkii 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.
Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:
- Talyaani Oo haystay Koofurta Soomaaliya
- Ingriiska Oo haystay Wuqooyiga Soomaaliya (Somalilan)
- Faransiiska Oo haystay Xeebta Soomaaliya (Jabuuti)
- Itoobiya + Ingiriiska Oo haystay Soomaali Galbeed (Ogaadeenya)
- Kenya + Ingiriiska Oo Haystay NFD
- Loona yaqaan Soomaaliweyn
Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn . Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo

















